Taliya Booliska Nairobi Benson Kibue oo sheegay in Islii ay Dhuumaaleystaan Al-Shabaab

November 9, 2013 - Written by Editor

kenya-police-300x153Nairobi:-Ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa  xalay raaf xooggan mar kale ka sameeyey Xaafada Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana dad badan laga qaatay lacag faro badan.

Howlgalada xalay ayaa waxaa ay ciidanka booliska ay ku qabteen 300 oo Soomaali ah kuwaas oo aan heysan wax sharci ah oo ay ku joogaan wadanka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa la hadlay taliyaha booliiska ee magaalada Nairobi  Benson Kibue waxaana uu sheegay in xaafada Islii ay gabaad ka dhigteen wax uu ku sheegay kooxo argagixiso ah ee Al-Shabaab sida darteedna ay u fuliyeen howlgaladii xalay ay ciidanka ka sameeyeen xaafada Islii.

Saraakiisha Nabadsugida ee dalka Kenya ayaa horey eedeyn ugu soo jeediyey Soomaalida Degan Xaafada Islii iyaga oo sheegay in qaar ka mid ah kooxdii weerartay xarunta Ganacsiga ee Westgate ay deganaayeen xaafada Islii

Waxgaradka iyo Ganacsatada Islii ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeynta taliyaha booliska ee magaalada Nairobi Benson Kibue xil warbaahinta dalka Kenya ay qoreen in ragii weeraray xarunta westgade ay diyaarad qumaatiga u kacda ay ka soo raaceen deegaanka Dhadhaab.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online