Tartan dhexmaray Ardayda Machad ka sare ee Al-furqaan Buuhoodle (Masawiro)‏

November 5, 2013 - Written by Editor

DSC00773Buuhoodle:-Ardayda wax ka barata Machadka sare ee Al-furqaan magaalada Buuhoodle gaar ahaana kuwa dhigta fasalka  1aad ee dugsiga sare (Form One) ayaa la dhex dhigay tartan u  dhexeeya gabdhaha & wiilasha wax ka barta fasaladaasi. Tartankan ayaa labada dhinac lagu weydiiyey 34 Su’aalood oo isugu jira Diini, Maadi & Aqoon guud, waxaana su’aalahaasi ka jawaabey 10 arday oo kala ah 5 gabdhood & 5 wiil oo ka la metelayey wiilasha & gabdhaha Fasallada tartamayey.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan aad u xiisabadan iyadoo mid walbaa  u ordayey in guushu raacdo dhankiisa, hase ahaatee tartanka ayaa ugu danbayn kusoo dhamaaday 32 dhibcood oo ay gabdhuhu heleen 29 dhibcood oo wiilashu heleen Gudiga Tartanka ayaa shaaciyey natiijadda iyagoo sheegay guushu ay raacday gabdhaha, Sh Jaamac Dheere oo ka mid ahaa gudiga ayaa sheegay in gartu aysan laba dhinac ka wada qoslin sidaas darteed xili kale ay sugaan wiilashu  sida uu hadalka u dhigay.

no images were found


Maamule kuxigeenka Machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle Sh Axmed Maxamed Samatar oo soo xiray tartanka ayaa ku baaqay in loo soo diyaar garoobo tartanadda noocan ah. Si kastaba ha ahaatee tartanka loo qabto ardayda dhigata  Al-furqaan ayaa looga dan leeyahay sidii loo dhiiri gelinlahaa ardayda.

Machadka Al-furqaan
Halgan.net, Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online