Tartan dhexmaray Ardayda Machad ka sare ee Al-furqaan Buuhoodle (Masawiro)
November 5, 2013 - Written by EditorBuuhoodle:-Ardayda wax ka barata Machadka sare ee Al-furqaan magaalada Buuhoodle gaar ahaana kuwa dhigta fasalka 1aad ee dugsiga sare (Form One) ayaa la dhex dhigay tartan u dhexeeya gabdhaha & wiilasha wax ka barta fasaladaasi. Tartankan ayaa labada dhinac lagu weydiiyey 34 Su’aalood oo isugu jira Diini, Maadi & Aqoon guud, waxaana su’aalahaasi ka jawaabey 10 arday oo kala ah 5 gabdhood & 5 wiil oo ka la metelayey wiilasha & gabdhaha Fasallada tartamayey.
Labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan aad u xiisabadan iyadoo mid walbaa u ordayey in guushu raacdo dhankiisa, hase ahaatee tartanka ayaa ugu danbayn kusoo dhamaaday 32 dhibcood oo ay gabdhuhu heleen 29 dhibcood oo wiilashu heleen Gudiga Tartanka ayaa shaaciyey natiijadda iyagoo sheegay guushu ay raacday gabdhaha, Sh Jaamac Dheere oo ka mid ahaa gudiga ayaa sheegay in gartu aysan laba dhinac ka wada qoslin sidaas darteed xili kale ay sugaan wiilashu sida uu hadalka u dhigay.
no images were found
Maamule kuxigeenka Machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle Sh Axmed Maxamed Samatar oo soo xiray tartanka ayaa ku baaqay in loo soo diyaar garoobo tartanadda noocan ah. Si kastaba ha ahaatee tartanka loo qabto ardayda dhigata Al-furqaan ayaa looga dan leeyahay sidii loo dhiiri gelinlahaa ardayda.
Machadka Al-furqaan
Halgan.net, Buuhoodle