Wafdi ka socda Jaamacada Bariga Africa Boosaaso oo booqday Kismaayo.[Masawiro]

November 21, 2013 - Written by Editor

2013-11-13 09.29.42Kismaayo:-Wafti balaaran oo uu hogaaminayao  gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso  Prof C/risaaq Hiirad Mohamed ayaa dhawaan waxay booqasho ku tageen magaala xeebta ah ee Kismaayo ahna xarunta gobolka jubada Hoose.Waftiga oo uu ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka JBA Dr.Dayib Cali Maxamed ayaa waxa ay la kulmeen maamulka sare , Hormuudyada , Macalimiinta iyo ardayda ee Jaamacada Kismaayo.

Labda Jaamacadood waxay is dhaafsadeen warbixino la xiriira jaamacadahooda, sidoo kale waxay aad isula lafa gureen siddii loo xoojin lahaa  wada shaqaynta ka dhexaysa labada Jaamacadood, taasoo taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen kor u qaadida tayada waxbarashada, ka wada shaqaynta manaahijta , is dhaafiga ardyada iyo macalimiinta.

Jaamacada Kismaayo ayaa ah Jaamacada kaliya ee hadda si toos ah uga hawlgasha magaalada Kismaayo, taasoo bulshada ku nool magaaaladaas ka daboosha baahiyaha ay u qabaan waxbarashada sare. Waftiga JBA ayaa intii ay joogeen waxay booqashooyin ku tageen xarumo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen xarurnta Jaamacada Kismaayo, Cisbitaalka Jaamacada iyo Dekadada weyn ee Kismaayo. Sidoo kale waftiga ka socday JBA waxay kulamo  kala duwan la qaadeen qaybaha kale duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismayo.

Ugu dan bayntii Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Kismayo ayaa aad uga mahad celiyay booqshada taariikhiga ah ee JBA ku timid Kismaayo , iyadoo waftigii ka socday JBA ay dhankooda uga mahad celiyeen sidii hagarla aanta ahayd ee ay u soo dhaweeyeen.
Hoos ka Daawo socdaalkii ay wafdiga Jaamacada Bariga Africa Boosaaso ay ku tageen Dekadda ,Jaamacadda magaaladay Kismaayo iyo goobo kale

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online