Wafdi wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray magaalada Beledweyne

November 22, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Wafdi ka tirsan DFS oo uu hogaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha , C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenada Gaashaandhiga, wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee  tegay magaalada Beledweyne ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska DFS Jen.C/xakiim Daahir Siciid waxaana soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka magaalada Beledweyne markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Wafdiga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo iyo shirar la qaadaan doonaa masuuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka oo iyagu wax badan ku saluugsan Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan dhinac amniga ka dib qaraxyo dhowr ah oo  ka dhacay Beledweyne oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah iyo ciidanka maamulka magaalada Beled weyne iyo ciidanka AMISOM. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaarsiiyey deeq dawooyin ah Isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne oo la ildarnaa dawo la’aan ayna jiifaan bukaan badan oo ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay  Beledweyne.

Wasiirad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka tacsiyeeyeen qaraxyadii ay ururka Al-shabaab ku weerareen Saldhiga ciidanka Booliska ee magaalada Beledweyne waxaan ku dhintay  22 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dalka Jabuuti waxaan ku dhaawacmay tiro kale.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online