Wafdigii culimada ee tegay goobaha roobabka iyo dabayluhu ku dhufteen oo ku soo laabtay Boosaso
November 18, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Culimo’udiinka ku nool degaanada Puntland ee dhawaan socdaal ugu boqaalay degaano ay ku dhufteen roobabka iyo dabaylah duufaanaha wata oo khasaaro dhimasho iyo hanti beel ah geystay. Culimo’udiinka degaanada Puntland oo ay hogaami nayeen Sh Axmed Daahir iyo Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa dib ugu soo laabtay magaalda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka dib markii ay gurmad iyo tabarucaad ay ka aruuriyeen shacabka reer Boosaso ay u qaadeen goobaha roobabka iyo dabaylaha ay ku dhufteen.
Culimo’udiinka degaanada Puntland ayaa caawa la filayaa in ay saxaafada kula hadlaan magaalada Boosaaso iyagoo uga warbixin doona xaalada dhabta ah ee ay ku soo arkeen goobaha ay tageen iyagoo ku soo sameeyey tirakoob ku aadan khasaaraha baaxadiisa inta uu la’eg yahay.
Sh.Axmed Daahir oo saaka aan ku helnay khadka Teleefanka ayaa noo sheegay in ay soo gaareen magaaada Boosaaso ayna haddii alle idmo ay la hadli doonaa saxaafada ayna uga warbixin doonaa goobihii ay socdaalka tageen. Shabakadda wararka Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta warbixinta culimo’udiinka marka ay caawa la hadlaan saxaafada haddii wax is bedel ah uusan dhicin ee ha moogaanina.
M_M_Deeq
Halgan.net