War-saxaafadeed uu soo saaray maanta Boqor Burhaan Boqor Muuse [Akhri]

November 25, 2013 - Written by Editor

burhaanQardho:-Shalay,24-11-20.13 waxaan safar ku tagnay magalada garowe halkaasi oo si diiran oo uu kalgacal ku jira naloogu soo dhaweeyey. Waxaan u mahadcelinayaa danjirayaasha dalalka USA,iyo dalalka reer yurub oo ay ka midka yihiin Brtain,Talyaaniga,,Finland, Spain iyo kuwa kale,aniga oo fursadaan ka faa’iideysanaya waxaan ugu mahadcelinayaa sida ay aniga iyo wafdigii ila socday u so dhaweeyeyn fursadana ay u siiyeen inaanu ku kulano xarunta UNka ee Magaalada Garowe,waxaan ka wada hadalnay danjiryaashaas dalalka aan soo sheegay arimo ahmiyad balaaran u leh Somalia guud ahaan iyo gaar ahaan geyiga Puntland ayna ugu horeyso doorashooyinka 8-1-2014 ka dhici doonto Puntland taas oo ay diyaar u yihiin in ay gacan ka siiyaan reer Puntland sidii ay u qabsoomi laheyd uguna dhici laheyd caddaalad iyo Hufnaan lagu kalsoonaan karo.

Waxaan kaloo ka wada hadalnay shirkii aan horey ugu baaqay in isimadu ay isugu yimaadaan gogashana aan ugu fidiyey Magaalada Qardho,taasoo isimada ay horey u go’aansadeen xilligii aaskii A/U Boqor C/llaahi Boqor Muuse.Shirkaas isimada waxaa looga gol lahaa in lagu xaliyo wixii khilaaf iyo dhibaatooyin ah oo Puntland ka jira, si loo gaaro dib u heshiisiin dhab ah.

Maadaama waqtiga doorashada ay ka harsan tahay muddo kooban,waxaan danjirayaasha isla garanay in aan laga gaari karin qabashada shirka isimada,sidaa darteed waxaan isimada xushmada leh ee reer Puntland ku wargalinayaa in gogashi sidii u taalo hadii loo baahdo doorashooyinka ka dib.

Waxaan ku faraxsanahay sida ay dowladdaha reer Yurub,USA,iyo qaramada midoobay ay diyaarka ugu yihiin is-garabtaaga Umadda Somaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland .

Kulanka danjirayaasha waxaa ka horeeyey shir aan Bosaso kula yeelanay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha somaliaya Nicklskay 21-11-2013,kaasoo ay isimada iyo waxgarad kale ka qeybgaleen si buuxdana la iskugu afgartay, mas’uuliyiin taas lala kulmay waxaan ka codsanay inay sii wadaan oo aynan ka daalin is-garabtaaga shacabka somaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahana Bulsho weynta Reer Puntland.

Danjirayaasha iyo wakiilka Qaramada Midoobay waxa ay odayaasha dhaqanka oo ay Isimada ugu horreeyaan ku dhiiri galiyeen in Golaha wakiilada Puntland ay u soo xulaan Xubno tayo leh oo aqoon iyo waayo aragnimada u leh xilka loo igmaday.Aniga oo fursadaan ka faa’ideysanaya waxaan umadda Soomaalaiyeed ugu baaqayaa in ay gartaan aayahooda,kuna mitidaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ,Sumcadii iyo Meeqaamkii Soomaalidu dunida ku lahayd.

Waxaan ka mahad celinayaa uguna hanbalyeenayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba hishiiskii taariikhi ahaa iyo guulihii wada hadalkooda laga gaaray.Dhanka kale waxaan madaxweynaha iyo Ra’iisalasaaraha Dowladda Federaalka ku boorinayaa in ay khilaafka dhexmaray ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad iyaga oo u daneeynaya Umadda Somaaliyeed.

Reer Puntland Xukuumad iyo shacbiga waxaan ugu baaqayaa in ay u guntadaan sidii ay doorasho lagu qanacsan yahay u qabsoomi laheyd iyagoo tixgalinaya in dhammaan qeybaha kale ee Somalia iyo beesha caalamkuba ay indhaha ku soo hayaan doorashooyinka Puntland.

Waxaan Allaaha awooda leh ugu baryayaa umadda Somaaliyeed nabad galyo,Midnimo,iyo Dowladnimo la mahdiyo,waxaa sidoo kale reer Puntland Eebbe ugu baryayaa in ay hantaan nidaam dowladed oo shacabka u adeega iyo hogaan daacad ah.

Waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa shirweyne dib u hishiisiineyd oo lagu soo afjaro khilaafkii,is-dilkii iyo jahwareerkii mudada dheer sida xun u saameyeeey ,isaggoo diina ka reebay.Waxaan markale ka tacsiyeenayaa Musiibooyinkii dabiiciga ahaa ee ka dhacay qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Ugu danbeyntii waxaa si gaar ah ugu mahadcelinayaa Shacabka Garowe iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta sida diirran ay noo soo dhaweeyeen,taas oo muujineysa dareenka walaaltinimo iyo kalkacalka ay inoo hayaan.

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Wabillaahi Towfiiq.

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online