Warbixin ku saabsan khasaarihii ka dhashay duufaan-roobaadda ku dhufatay Puntland (Daawo Masawiro)
November 14, 2013 - Written by EditorGaroowe:- 9kii November 2013 ayaa waxaa dhinaca badweynta Hindiya kasoo dhacay dabeylo ku socda xowli dhan 90km saacaddii. Dabeyluhu waxay wateen Roobab wata qabow meelaha qaarna baraf. Dabeylahaa wata roobabka waxay qabteen laga bilaabo xeebta Ayl ilaa iyo degmada Xaafuun, dhanka berrigana roobabku waxay gaareen ilaa iyo Boosaaso oo halkaa u jirta qiyaas ahaan inta u dhexeysa 350-400km. Sidaa darteed celcelis ahaan masaaxo dhan 200,000km2 ayuu dhibku saameeyay.
Dadka noloshoodu waxay ku tiirsaneyd xoolaha nool gaar ahaan ariga, xoolihiina waxay ku le’deen dabeylihii iyo roobkii qabowga watay ee socday in ka badan intii ay xammili kareen. Xoolaha magaalada jooga laftooda dhibtaasi kama badbaadin, waxaana magaalada garoowe habeen saddexaad ku dhintay arigii reer magaalka ahaa ee waddooyinka isaga hoyan jiray Xoolaha dhintay waxaa u horreeyay intii irmaaneyd ee dadku ku noolaayeen.
C/Rashiid Jagfe oo ka mid ahaa gurmadkii u baxay goobaha dhibaatadu ka dhacday, ahna maamulaha xawaaladda Tawakkal faraceeda Garoowe, deegaannada dhibku ka dhacayna si wanaagsan u yaqiin wuxuu yiri “waxaan ku qiyaasay xoolaha meesha ku le’day 80% duunyadii ay dadku heysteen” taasoo macneheedu yahay in dadka dhibaatadu ku dhacday ay ka siman yihiin xoolo la’aan.
Qoysaska qaar lahaan jiray dhowr kadin oo xoolo ah waxaa u haray 30 neef, 10 neef, laba neef qaar aysan waxba u harinna wey jiraan. Sidaa si la mid waxaa dhintay dad aan tiradooda rasmiga ah aan la heyn ilaa iyo hadda maadaama xiriirku go’naa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay.
Dadka dhintay waxaa u badnaa carruur, waayeel iyo intii nugulka aheyd oo badi u le’day qabowgii darnaa ee gaajadu ugu darsantay. Dhulka waxaa yaal biyo u eg harooyin waaweyn ama buxayraat aad moodeysid inuu dalku waligii sidan iska ahaan jiray.
Gaadiidkii gurmadka lala diray wuxuu ka koobnaa lix gaari oo waaweyn oo ahaa gawaarida waaweyn ee ciidamada ee loogu talagalay inay dhiiri iyo dhagaxba maraan, ma gaarin meelihii loo diray kadib markii ay laba kamid ah dhiiri galeen, labana uu u go’aydhul biyo badan ka dhargay, halka labo kamid ah oo kaliya ay ku guuleysteen in ay gaaraan goobihii loo diray.
Buundo isku xirta magaalooyinka mandiqadu waa go’day waxaana la tagay daadadkii taas oo hasiysay gurmadkii laba geesoodka ahaa ee la gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan, xagna halis gelineysa nolosha inta magaalooyinka ku nool maadaama uu kala go’ayo isugu socodkii ganacsiga gaar ahaan qeybtiisa quutul-daruuriga aheyd. Dadka waxa ugu weyn ee soo gaaray waa xoolihii oo dhaafay, taasoo macneheedu yahay ninkii daad iyo dabeyl ka badbaaday inuusan ka badbaadeyn gaajo meel ay geysaba.
Dadka wixii ka badbaada gaajada maanta jirta xal uun bey yeelanayaan idanka Ilaahay, maxaa yeelay dadkani waa yaqaanniin sida loo noolaado iyadoo faqri la yahay ama in maalin la qado maalinna la quuto, hase yeeshee ma yaqaanniin mana awoodaan in ay noolaadaan dhowr maalmood oo aysan heysan wax ay cunaan, mushkiladda taagan ee xallinta u baahanna waa sidii loo dhaafin lahaa halista ay ugu jiraan inay gaajo u le’daan, taas ayaana u baahan in wax lagala qabto looguna gurmado.
no images were found
Halgan.net