Warbixin Xaalada Sheekh Maxamed Khadar iyo walaalaha la xiran W/Q Sh Abu Fadli

November 1, 2013 - Written by Editor

hqdefaultMinneapolis:-Walaalayaal  waxaan safar kooban oo dacwadeed  ku gaaray,Magaalada SanDiego Ee Gobalka California,halkaas oo ay ku xiranyihiin culimo uu ka mid yahay Iimaamkii Masjidul-al ansaar Sheekh Maxamed khadar.Waxaan jeclaystay inaan walaalaha iyo asxaabta u soo gudbiyo warbixintan kooban oo ku saab san xaalada guud ee walaalaha iyo meel oo xaal maraayo.Guud ahaan xaalada caafimaad ee walaalaha way wanaagsan tahay,walaw qof xiran oon xoriyadiisa haysan,aad garan kartaan xaalkiisa,cidii xabsi gashay unbaa arinkaas aad u garanayso.

Sidoo kale xaalada xaasaskii culimada iyo caruurahooda aad ayay u wanaagsanayd,walow aad dareemay- -saan,aabo la’aanta dhibkay leedahay.arinkaas waxaa dareemayo agoomaha iyo hoyadii hayso.

Walaalayaal waxaa noo suuro galay aniga iyo culimadii aan wada soconay inaad Qadka telefonka  aanu kala hadalno Sheekh Maxamed Khadar,wuxuuna noo sheegay inay aad u wanaagsanyihiin isaga iyo walaal ay isku meel ku xiranyihiin.Runtii sheikha waxaa ka muuqaday farxad iyo sugnaan,sabar iyo kal sooni buuxdo oo uu rabigii ku qabay inuu san hoojinaynin .

Sheekh Maxamed khadar wuxuu salaan noogu soo dhiibay dhamaan culimada iyo jaaliyadii sida aan kala harka lahayn ugu gurmatay.intaas kadib:-
Walaalayaal waxaa idinkugu danbaysay in sheikha iyo walalaha laxirnaa ay yiraahdeen(jury)gii loo saaray Ama (Xeerbeegto) waa danbeelayaal(Guilty),laakin dib loo dhigay ku dhawaaqidii xukunka walaalaha.

Runtii waxay noqotay arinka ay juryga sheegayn arin lala fajacay,oo marna aan lafilaynin,marka la eego siday dacwada ku socotay iyo sida ay kala ahayd dooda dacwad oogayaasha iyo doodada difaacayaasha culimada.

Sikastaba ha ahaatee waxay dalbadeen Qareenada Wadaadada in dacwada dib loo eego,waxana xareeyeen appeal(Rafcan),Waxaana ladhagaysanayaa appealkooda bisha November,13 keeda ee fooda nagu hayso,waxaana larajaynayaa in dib loo eego dacwada culimada.

Hadabo haloo soo duceeyo Walaalaha xiran,waxaan u awoodno maanta waxaa ugu muhiimsan ducada,waana hubka kaliya ee aan haysano oon isku hubno,marka walalayal hala badiyo walaalaha ducadooda iyo dhamaan musimintba
اللهم فك قيد أسرانا وأسرى المسلمين.. وردهم إلى أهلهم سالمين..
اللهم إنهم في حاجة عاجلة إلى رحماتك.. فأنزل عليهم رحماتك يا رحمن يا رحيم..
اللهم من آذاهم فآذه ومن عاداهم فعاده.. لا إله إلا أنت العزيز الحكيم..

W/Q Sh Abdalla Abul-Fadli
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online