Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay shir ka socda Muqdisho (Dhageyso)

November 9, 2013 - Written by Editor

Dr.Cali Cabdilaahi WarsameGaroowe:-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku lahayn shir looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin ergo ka socta Puntland oo joogta shirka ka socda Muqdisho waxaana uu carabka ku adkeeyey in mar hore xiriirkii wada shaqaynta dowlada federaalka Somalia ay joojiyeen Puntland .

Wasiirka ayaa waxaa wareysiga uu siiyey Radio Garoowe waxaana uga hadlay sidoo kale shir uu uga qeyb galay dowlada Cumaan kaas oo looga hadlayey xalista cudurka dabaysha wuxuuna sheegay in balan qaad badan loo fidiyey dowlada Soomaaliya iyo Syria.

Khilaafka ka dhexaloosan Puntland iyo dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana ay dowlada Puntland dowr jeer ay eedeymo u jeediyeen DFS waxaana ugu danbeysay dagaaladii ka dhacay deegaanka Godod oo lagu eedeyey DFS.

Hoos Ka Dhageyso wareysi uu siiyey Dr.Cali Cabdilaahi Warsame Radio Garowe uuna kaga hadlay Shirka Caafimaadka ee ka socda Muqdisho

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online