Wasiirro ka tirsan DFS oo kula Taliyay RW Saacid inuu Is Casilo

November 13, 2013 - Written by Editor

khilaafMuqdisho:-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta uu dhacay kulan dhexmaray Ra’iisul-wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo in kabadan 15 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo wasiirro kuxigeenno ka tirsan xukuumaddiisa.

Kulankan ayaa looga  doodday ismaadhaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Somalia.

Saraakiil kulankan ka qeybgalay oo magacooda qariyay sababo ay ugu wacan tahay inaan loo fasixin inay warbaahinta la hadlaan ayaa VOA u xaqiijiyay in wasiirraddu ay Ra’iisul-wasaaraha kula taliyeen inuu xilka ka dago oo uu is casillo.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu xubnahaasi u sheegay inuu jawaab ku soo celin doono kana fiirsan doono talladooda.

Ra’iisul-wasaare Saacid ayaa war-saxaafadeedd uu shalay soo saaray ku sheegay inuu jiro ismaadhaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, isagoo sheegay inuu yahay ismaadhaaf dastuur ah, laguna xalin karo ku dhaqanka dastuurka Soomaaaliya.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online