Xaflada sagootinta ah oo loo qabtay Baarlamaanka Puntland [Masawiro+Cod]

November 1, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa xaflada sagootin ah loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe Xildhibaanadii hore ee Golaha Baarlamaanka Puntlland oo shalay uu xilkoodu ku ekaa, Xafladaan lagu maamuusayey Xildhibaanada ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Issimo , Wasiiro , Saraakiil ciidan ,masuuliyiin ka tirsan safaarada toobiya iyo bulshada rayidka ah.

Xaflada ayaa waxaa khudbado ka jeediyey issimo ay ka mid ahaayeen Garaad Cabdilaahi Cali Ciid, Boqor Cabdilaahi Axmed iyo Suldaan Cabdilaahi Jeenacad waxaa uu hadalkoodu u badanaa  dardaaran guud iyo in laga shaqeeyo nabadgelyada Puntlland lagana fogaado wax walba oo khalkhal nabad gelyo abuuri kara.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo hadla ka jeediyey isagana xaflada ayaa waxaa uu amaanay Xildhibaanada xilkoodu dhamaaday isagoo ku amaanay waxqabad iyo in ay la shaqeeyeen madaxda Puntlland ayna ka fogaadeen wax walba oo dalka gelin kara khilaaf siyaasadeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale  waxaa uu kula dardaarmay Odayaasha dhaqanku in ay soo xulaan Xildhibaanadii ka mid noqonaya Golaha baarlamaanka cusub ee Puntlland isagoo meesha aan ka saarin in Xildhibaanadii hore qaarkood ama dhamaandtood dib loo soo magacaabo maadaam buu yiri ay wax badan oo lataaban karo ay qabteen.

Gabagabadii Xaflada ayaa waxaa hadal dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole isagoo u mahad celiyey Xildhibaanadii hore ee Puntlland kuna amaanay in ay soo qabteen howl wanaagsan ayna ugu horayso Dastuurkii Puntlland oo meel mariyeen.

Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa u jeediyey musharaxiinta madaxweynanimada Puntlland in ay ka fogaadaan aflagaada madaxdii hore ee Puntlland oo qaar dhinteen halka qaar kalena ay nool yihiin arrinkaas oo wax u dhimi doonta tartankood maadaam dalku uu leeyahay Dastuur qofkii xil ka qabanaya Puntland laga rabo shuruudo haddii uusan ka soo bixina xilka uu ku waayayo.

no images were found


Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacayso si nabadgelyo ah isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ay sharaxan yihiin balse waxaa xusay in Puntlland ay leedahaya cadaw gudaha ah iyo mid dibada ah oo u diidan in bulshada ku nool degaanada Puntland ay noolaadaan waxaan cadawgaas uu ku tilaamay ururka Al-shabaab ama Al-qaacida iyo siyaasiyiinta madaxda ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Puntland uu ka jiro nidaam dowladeed aysan u noqon karin kii Jabahadaha waqtiga doorashadu ay dhacaysana ay amaanka sugi doonaa laamaha kale duwan ee ciidanka Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online