Xaji Maxamed Yaasiin oo $10,000 ugu deeqay dadweynaha duufaanada ku dhufteen

November 14, 2013 - Written by Editor

xaaji_yaasiinNairobi:-Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharraxiinta u taagan qabashada madaxtinnimada Puntland ayaa maanta waxaa uu shirjaraa,id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu ugu deeqay lacag dhan $10,000 dadweynaha ay ku ceyrtoobay duufaanada ku dhuftay deegaaano ka tirsan Puntland.

Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sidoo kale codsi u diray dhamaan Maamulada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay in loo gurmado kaalmo degdeg ahana lala gaaro shacabka ku ceyrtoobay duufaanada.

Xaaji Maxamed Yaasiin  ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u tartamaya madaxtinnimada Puntland  in lacagta laaluushka ah ay siinayaan Xildhibaanada Puntland si ay u qabtaan talada Puntland ay uga farxiyaan shacabka ay dhibaatada baaxada leh ay heysato waxaana uu yiri “Lacagta xildhibaanada looga farxinayo shacabka dhibaataysan ha looga farxiyo, si aad ducadooda u heshaan”

Waa Musharixii Labaad ee u taagan madaxtinnimada Puntland ee lacag ugu deeqa dadka ay ku dhufeen duufaanada iyo roobabka dabeylaha wata ,waxaana horey lacag 5000 $ sidoo kale ku deeqay Musharax Cali Xaaji Warsame.

Culumada,isimada iyo Waxgaradka Puntland ayaa si xowli ah ku wada gurmad waxaana galabta gumadka ku soo biiray gobalka Mudug iyaga oo deeq kala duwan iska soo uruurshay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online