Xulidda Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo meel fiican mareysa

November 27, 2013 - Written by Editor

baarlamaanGaroowe:-Odayaasha dhaqanka Puntland, ayaa ku howlan soo xulidda xildhibaanada cusub ee baarlamaanka. Odayaasha oo howshan loo xil-saaray, ayaa qoraya liiska xildhibaanada, iyadoo hab qabiil ay ku soo xulayaan, waxaana Odayaasha ay la kulmayaan culeys uga imaanaya dad badan oo beelahooda ka mid ah iyo siyaasiyiin wata dad ay xulufo yihiin.

Nabadoonnada, ayaa marka ay soo xulaan xildhibaannada waxaa loo gudbinayaa isimada, kuwaasoo yeelan doona saxiixa ugu dambeeya ee ay xildhibaannadu Baarlamaanka ku galayaan. Sida aanu wararka ku heleyno, xubno badan ayaa odayaasha beelahooda ka helay oggolaanshaha ay uga mid noqonayaan baarlamaanka Puntland, iyadoo la filayo in bisha soo socota uu baarlamaanku fariisan doono si uu u doorto guddoonka baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka Puntland, ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana sugeysa howllo culus oo ay ka mid yihiin doorashada guddoonkooda, iyo midda Madaxda Puntland oo dhaceysa bisha 1aad ee sanadka soo socda.

Somalireal+Halgan

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online