3 dhalinyaro oo Soomaali ah oo ceeji lagu dilay magaalada Nairobi
July 19, 2014 - Written by EditorNairobi:-Wararka aan ka helayno magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in 2 dhalinyaro ah oo Soomaali ah ceeji lagu dilay caawa xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Ilo wareed ku sugan magaalada Nairobi ayaa Halgan.net u sheegay in 3 dhalinyarada ah lagu dilay ceeji waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan oo aan wili la xaqiijin in dhalinyarada ay kaxeysteen ciidanka sirdoonka dalka Kenya saacado ka dibna la geeyey goob lagu keydiyo meydadka Isbitaalka Nairobi.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ayaa waxaa ay muujiyeen cabsi ka dib dilka 3 dhalinyaro ee lagu dilay Nairobi.
Cabdi Yare
Nairobi