Amiirka Al-Qaacida ee Shaam Abu Maxamed Al-Jowlaani oo ku dhawaaqay Imaara Islaamiya (Dhageyso)
July 14, 2014 - Written by EditorSuuriya:-Amiirka Jabhadda Al Nusrah ee dalka Suuriya Abu Maxamed Al-Jowlaani ayaa waxaa uu sheegay in uu ku dhawaaqay Imaara Islaamiya oo ka howlgali doonta dalka Suuriya waxaana uu balan qaaday in ay ku dhaqmi doonaan Shareecada Islaamka si cadaalada ay u wada gaarto Shaam oo dhan.
Jabhadda Al Nusrah ayaa waxaa ay ka mid tahay oo ay ka tirsan tahay Ururka Al-qaacida oo uu hogaamiyaha u yahay Dr Ayman Al-Dawaahiri waxaana horey khaa,im nimo iyo balan ka bax ku xukmiyey kooxda Daacish ilaa markii danbe ayba laayeen saraakiishoodii .
Mareegaha taageera Jabhada Nusra ayaa waxaa lagu faafiyey cod uu leeyahay amiirka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani isaga oo balan qaadaya in Imaara Islaami ah ay dhisi doonaan.
Amiirka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta Daacish iyo Nuseyriyada.
Khawaarijta Daacish ayaa horey ugu dhawaaqay Khilaafa Islaamiya waxayna khilaafata Muslimiin ku sheegeen amiirkooda Abu bakar Al-Baqdaadi.
Hoos ka Dhageyso Amiirka Jabhada Al-Nusra oo ku dhawaaqaya Imaara Islaamiya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net