Baafin ku socoto Shacabka Jabuuti:-Khadro Diiriye oo baadigoobeyso Qoyskeeda oo ku nool Dalka Jabuuti.

July 4, 2014 - Written by Editor
SONY DSCGaalkacyo:-Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay aheyd qof uu ku dhacay Cudurka Dhimirka kaasoo keenay in ay in mudo ay ku nooleed xaalad waali ah,magaalada Qardho ayey soo gaartay waxa ayna halkaani ku sugneyd Bilooyin ka dib waxaa xil gaar ah iska saaray Haween Muxsiniin ah oo geeyey xarun Shifo ah Illaahayna waxa uu siiyey Caafimaad Xanuunkii iyo dhibkii hayey wey ka caafimaday.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax ama Muumino waxa ay ka hadashay markii ay soo laabatay Maskaxdeeda wax walbana kala saari karto ayaa waxa ay sheegtay in ay tahay qof u dhalatay Dalka Jabuuti,waxa ayna codsaday in Reerkooda loo baadi goobo.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay sheegtay in ay dagantahay Xaafadda 7-aad oo la yiraahdo Kartoon Meel ku dhow Sariibada,waxa ay sheegtay in ay ka shaqeynjirtay Hotel lagu magacaabo Balfi waxaana maamula ka ah bey tiri Nin la yiraahdo Idiris,Xaafadda ay daganeyd waxaa gudoomiyey ama madaxweyne ka ah Ceeleeye Xooshe,waxay kale oo sheegtay in ay garaneyso Ismaaciil Abtidoon oo mar ahaan Jiray Wariyey ka dibna Noqday Wasiir.

Khadro Diiriye Dharaar Faarax waxa ay sheegtay in uu aabaheyd dhintay waxayna tilmaam ka bixisay sida loo raadin karo reerkeeda,waxa ay sheegtay in uu la dhashay Ibraahim Diiriye Dharaar Faarax oo ka shaqeeyo Booliska gaar ahaan qeybta Danbibaarista,markii horana ka shaqeyn jiray Dekada gaar ahaan qeybta Socdaalka,waxaana kaloo walaalkeed loo yaqaanaa Xasan.

Khadro waxa ay sheegtay in aabaheyd uu lahaa Naaneys oo loo yaqaano Diiriye kaambayn waxa ay sheegtay in ay la dhashteen:-

1. Caasho Diiriye Dharaar Faarax

2. Xaliimo Diiriye Dharaar Faarax

3. Maryan Diiriye Dharaar Faarax

4. Diini Diiriye Dharaar Faarax

5. Kheyre Diiriye Dharaar Faarax

6. Ibraahim Diiriye Dharaar Faarax

Khadro Hooyadeed waxa ay ku sheegtay in la yiraahdo Hooyo Bilan Cali Kareeye Abtigeydna waxa ay ku sheegtay Muuse Cali Kareeye Sidaa darteed waxaa qof walbo oo garan karo khadro Diiriye Dharaar Faarax ama Reerkeeda  in uu la soo xiriiro dadka gacanta ku hayo oo kala ah:-

Fartuun Ismaaciil Maxamed Tell:-25290-7732146.

Faadumo Cabdi Ciise Tell: – 25290- 7738202

Landline Number: – 2525835337

Cabdiraxman Black Qardho-Puntland-Soamalia

<abdirahmanblack@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online