Dawro diini ah oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.[Masawiro]

July 15, 2014 - Written by Editor

DSC02366Qardho:-Waxaa maanta  oo taariikhdu tahay 17/ Ramadaan 1435H lagu soo gunaanaday Dawradii  Sharciga ahayd ee sanad walba lagu qaban jiray xagaaga magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Dawradaan ayaa waxaa ka faa’iidaystay 105 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo dhigta dugsiyada sare iyo jaamacadaha magaalooyinka Bosaso iyo Qardho waxaan druus ka bixiyey 7 sheekh oo ka mid ah culimada Magaalada Qardho.

Xafladaan oo  si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu  Qabtay Xarunta Machadka Al-Imaam Muslim ee magaalada Qardho  waxaan ka soo qayb galay dadweyne fara badan iyadoo goobta ay hadalo ka jeediyeen Culimo iyo Maareeyayaal Sharikado Waaweyn. Kalimadii ugu Horaysay ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Al-minhaaj ee Magaalada Qardho Sh Cali Maxed Cali oo ka war bixiyay Ahdaafta laga lahaa dawradan, iyo qaabkii loo bilaabay iyo siddii ay ku dhamaatay, asaga oo u mahad celiyay Mu’asasada Al Minhaaj ee guud, iyo Bangiga Salaam Puntland oo maal galiyay Xafladaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladaan Sh Axmed Cawaale Gaare oo ah Gudoomiyaha Salaam Bank Qardho, asaga oo amaan usoo jeediyay ardaydii u dhabar adeegtay dawrada iyo Barashada Cilmiga Sharciga ah, asagoo intaa ku daray in dhalinyarada looga baahanyahay inay diintooda bartaan.

Gabagabadii Xaflada waxaa ka hadlay Ustaad Maxed Maxud Ciise Gudoomiyaha Guud ee Mu’asasada Al-minhaaj oo amaan balaaran u soo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay qaban qaabada xafladan iyo dawrada labadaba isagoo ka warbixiyey in dhamaan inta badan dagmooyinka Gobolada Puntland ay ka wada socdeen dawrooyin kuwan la mid ah, ayadoo looga dan lahaa in la diyaariyo Jiil la wareega masuuliyada dacwada.

Sidoo kale wuxuu ustaadku ugu naseexeeyay ardayda in laga fogaado afkaarta khaldan ee dhalinta lagu baadiyaynayo, ayadoo culumadii lagu dirayo, ilaa ay gaaraan in dhalintii ay xaq moodaan in culimada la layn karo oo ay banaan tahay. Dawradaan ayaa waxay ahayd tii 7aad oo lagu Qabto  Magaalada Qardho waqtiga xagaaga, ayadoo la ogyahay in magaaladaas ay usoo xagaa baxaan dad aad u badan oo ka yimaad Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

no images were found

Mu’asasada Al Minhaaj
Qardho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online