Degmada Boocame oo lagu qabtay Munaasibad Xidhitaanka Machadka- Iimaamu Shaafici.[Masawiro]

July 15, 2014 - Written by Editor

b12Boocame:-Munaasbad baladhan oo laguqabtay Magaalada Boocame taas oo loo qabtay aryda wax Ka Barata machadka- Iimaamu shaafic ee Magaalada boocame,Kaas oo galay sanadkii Labaad waxaa halkaas ka soo qayb galay Culimada Degmada, Boocame, aqoonyahano Cuqaal iyo bulshada qaybeheeda kala duwan,Waxaa  xafalada furay sh cabdirishiid  oo ah Gudoomiyaha Dalada ardayda ka baxday Machadka-Alfurqaan Ee Laascaanood oo sharaxay u jeedka munaasibadan kuna soo Dhaweeyay culimada iyo cuqaasha.

Sidoo kale waxaa halkaas kahadalay Maamulaha Machadka-Iimaamu shaafici Sh Maxamed Maxamuud warsame oo yidhi maanta waxaa farxad inoo ah sanad kadib in 140,araday ay Galeen imtixaankii Machadka geesta gale Maamulaha ayaa halkaas ogamahad Celiyay Hayadda Manhal oo degmada boocame ka dhistay dhisme wayn iyo masaajid loogu talagalay in ay waxkaburtaan ardayda dhigata Machadka-Iimaamu Shaafici.

Waxa ay goobta ku soobandhigeen ardaydu  aqoon kaladuwan oo ay barteen mudadii Sanadka ahayd halkaas ay siwayan uladheceen waalidkii ka sooqayb galay casharadii ay akhriyeen,ardaydu una mahadceliyay Guud ahaan Madaxa Dacwada Ee Gobolka Sool iyo sh Baladka Gobolka Sh,Cabdinaasir Xaaji Axmed. Waxaa afka odayada ku hadlay Oday Xaaji Jaamac Cilmi Guray oo bulshada ku yidhi waa inaad Culimada lataageeraa iyo qurbo joogta waayo waa dad wax ku oola xanbaarsana diintii illaah waxaan ugu baaqayaa bulshada boocame in lagarab istaago Machadka-Iimaamu shaafici.

Geesta kale waxaa halkaas kahadlay Xubin kamida Dacwada degmada Boocame Sh,Cismaan Cabdiraxmaan, oo yidhi walalyaal machadkan waxaa ku baxa dhaqaale Gaaraya 20,kun Oo Doolar waxaana bixiya dadka deegaanka oo kala jooga Boosaaso Laascaanood Qurbaha markaa Maanta waan haysanaa dhisme laakiin waa in lasiiwadaa taageerada Machadka,Iyo guud ahaanba deegaanka Boocame.

Mid ka mida qurbo joogta degmada boocame oo lagu magacaabo Eng,Aadan Jaamac Faarax (Eng Black) ayaa yiri waxaan ognahay waxa dadka kala Hormariyaa waa aqoonta labo magaalo oo darisa waxa is dhaafiyaa waa aqoonta ,labo tuulo oo jaara waxa isdhaafiyaa waa aqoonta Aan taageerno aqoonta oo ilaalino midnimadeena hadaan midnimo jirin horumar jirimaayo.

Waxaa isna afka waalidiinta kuhadlay Ganacsade cabdirsaaq Cardoofe oo yiri waa inaan taageernaa macahadka -Iimaamu shaafici cida uu deegaanku sugayaa waa inaga ayuu yiri waxana balan qaadayaa inaan taageerno macahadka-Iimaamu shaafici.

no images were found

Hoos ka Daawo Video-ga Munaasibad Xidhitaanka Machadka- Iimaamu Shaafici

C/kariim C/laahi
Boocame. Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online