Kenya oo sheegay in weerar xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Lamu lagu dilay 29 qof
July 6, 2014 - Written by EditorNairobi:-Waxaa mar kale ka dhacay 2 weerar oo is xigay gobolka Xeebta ah ee dalka Keya gaar ahaan deegaannada Hindi iyo Tana Delta oo ka tirsan magaalada Lamu. wararka oo baxaya ayaa sheegay in weerarku uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac Dableydaan Hubeysan ayaa waxaa la sheegayaa in iaa 9 qof ay ku dileen weerarka ay ka geysteen deegaannada Hindi iyo Tana Delta halka ilaa 20 ruux ay ku dileen saldhigga deegaanka Gamba sidda uu saxaafadda u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya Mwenda Njoka.
Waxaa kale oo saxaafadda dalka Kenya ay baahiyeen in qof dalxiisa ah oo u dhashay dalka Ruushka ay koox hubaysan ay ku toogteen magaalada xeebta ah ee Mombasa ayna u geysteen dhaawac. Weerarka ka dhacay deegaannada Hindi iyo Tana Delta oo ka tirsan magaalada Lamu ayaa waxaa mar kale sheegtay kooxda Al-shabaab in ay iyagu fuliyeen, Saraakiisha ciidanka Kenya iyo Madaxda dalkaas ayaa waxaa ay horay u sheegeen in weerar dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay bishii hore Mpeketoni aysan ka danbayn Al-shabaab balse ay ka danbeeyeen siyaasyiin ka soo horjeeda dalka Kenya.
A/cawaale
Halgan.net