Dowladda Talyaaniga oo si rasmi ah Madaxwaynaha DGPL Dr.Gaas ugu wareejisay Tv-ga Puntland[Masawiro]

July 9, 2014 - Written by Editor

IMG_1502Garoowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe gaar ahaan Xarunta Tv-ga Qaranka Puntland kaga qayb galay Munaasibad balaaran oo ay dowladda Talyaaniga Puntland ugu wareejinaysay Tv-ga Puntland . Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb Galay Safiirka Dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Marcelli,Madax ka socotay Hay’adda UNOPS,Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland,Maamulka Talafishinka Dowladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo gaba gabadii xafladaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu si aad ah ugu mahadceliyay Dowladda Talyaaniga oo iyadu kaalin weyn ka qaatay Dhismaha Talafishinka Dowladda Puntland . ‘’Mashaariicda Dowladda Talyaanigu ay ugu deeqday Puntland markaan eegno oo uu ugu weynyahay Mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,waxa ay ka turjumaysaa sida ay uga go,antahay in dowladda Talyaanigu ay Taageerto Puntland’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

‘’Tv-gu waa Tv-ga Dadka Puntland,waa Tv-ga Qaranka Puntland waana Talafishin ay si siman u istcimaalayaan Dowladda iyo Shacabka Puntland,waana in uu noqdaa aalad ay dowladu dadkeeda kula xiriirayso kuna gaarsiinayso siyaasadeeda’’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa sidookale sheegay in Tv-ga Puntland uu yahay mid shacabka Puntland u adeegsaan karaan Fariinta ay rabaan in dowladooda gaarsiiyaan iyagoona umaraya sifo sharciga waafaqsan.
Safiirka Dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Marcelli ayaa Madasha ay xafladu ka socotay isna kaga dhawaaqay in Dowladda Talyaanigu ay ku guulaysatay Hirgalinta iyo Dhamaystirka Talafishinka Dowladda Puntland.

no images were found

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online