Dowro diini ah oo ka socotay Hoolka dugsiga sare Al-waax ee Garoowe oo la soo gabagabeeyey [Masawiro]

July 1, 2014 - Written by Editor

DSC06402Garoowe:-Waxaa maantay si rasmi ah loo soo afmeeray dowradii diiga ahayd ee ka socotay magaalada Garoowe ee xarunta dowadda Puntland. Dowradaan ayaa waxaa ay ka socotay Hoolka dugsiga sare Al-waax iyadoo socotay mudo dhan 9 maalmood , Xiritaanka Dowradaan diiniga ah ayaa waxaa loo qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Maamulka Gobolka Nugaal, Culimo’udiin ,Odayaal iyo masuuliyiin kale.

Waxaa ugu horaynba goobta ka hadlay gudoomiyaha fulinta Mu,asasada Al-minhaaj Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax waxaa gudoomiyuhu ugu horayn tiiba war bixiin dheer kaga waramay dowrada iyo waqtigii ay socotay iyo cilmiga lagu qaatay waxaana Sheikh Mukhtaar uu xusay duruustii lagu qaatay dowradaan diiniga ah waxaan ka mid ahaa:-

(1) Caqiido

(2) Wadaniyada

(3) Cilmiga Dhaxalka

(4) Maamulka

(5) Guurka iyo faa iidada uu leeyahay

(6) Suugaanta soomalida

Duruustaan ayaa macalmiintii bixinaysay waxaa ay ahaayeen kuwo aqoon durugsan u leh mawaadiicda ay ka bixinayeen dowrada intii ay socotay taas oo sababtay in Ardaydu ay aad ugu faa’iidaystaan. Waxaa sidoo kale gudoomiyuhu sheegay in hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo heli lahaa arday dhinac walba ka dhisan waxaana ugu danbayn tii uu ardayda ka codsaday in ay qaadaan masuuliyadda ay hadda hayaan mid ka balaaran. Waxaa isna dhan kiisa ka hadlay Sh.Cabdirizaaq Dahabi oo ardayda ku booriyay in ay bartaan diin tooda xaniifka ah

Waxaa kale oo xafladda ka hadlay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugal waxaana uu six eel dheer uga hadlay ahmiyadda cilmiga kiisa shareecada iyo maadigaba ay u leeyihiin ummadda gaar ahan da’yarta wuxuuna tilmaamay shiikhu in maanta fitanka ka jiraa caalamka looga badbaadayo cilmi naafac ah wuxuuna shiikhu u dar daarmay dhamaan dadkii kafaa iidaystay dowraddan in ay wixii ay ka barteen gaar siiyaan dadka iyagu ka maqnaa goobta lagu qabtay dowraddan cilmi kororsiga ah

Ugu danbayntii waxaa soo xiray dowradan Guddomiyaha gobalka Nugaal C/qani Xaashi(bunbe)oo isaguna udar daarmay dhalintu in ay wixii ay ka barteen dowradan ay kamira dhaliyaan oo ay bulshad uga faa iideeyaan iyaguna ay ku dhaqmaan si ay uga bad baadan dhibaatoyinka maanta ku wajahan dhalinyarada soomaaliyeed sida tahriibta burcad badeedda jirrinimada wuxuuna yiri guddomiyuhu isaga oo siiwata hadalkiisii waxan anaguna ka maamul ahan diyaar la nahay oo la garab taaganahay dhallinta wax kasta oo faa iido u leh mustaqbalkooda aduun iyo aakhiraba.

Guddomiyaha gobalka Nugaal C/qani Xaashi(bunbe) ayaa waxaaa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay mahad celin uu umahad celiyay culimadii dowradan qabatay iyo sidoo kale ciddii soo qaban qaabisay dhamaantood waxayna kusoo gaba gabowday dowradii xagaga ee lagu qabtay hoolka dugsiga sare ee Al-waaxa magaalad Garowe jawi aad umacaan farxad iyo aqoon kororsi.

no images were found

Mu,asasada Al-minhaaj
Garoowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online