Gardarada Yuhuuda W/Q Abdihakim Herer
July 14, 2014 - Written by EditorIllaahay Ayaa Mahadleh.Sharaf-baddanaha-Xikmadda baddan. Gargaaraha-Awooda baddan.Rabbiga sida runta ah u ballan qaadey inuu u hiilinayo inta hanuunkiisa raacday ee adoomadiisa rumeeyey ah.
Nabbadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha’ahaato Nebigigeenii Muxamed ee nuurka badnaa loona diray Koonka oo idil Jinka iyo Insigaba Si’uu uga saaro mugdiga gaalnimada iyo jahliga una Saaro dhanka Iftiinka Islaamnimada iyo iney aaminaan oo aqoon ku Caabudaan Khaaliqa kaligii cidkalena la’wadaajin cibaadada.
Intaa-kadib.
Gumaadkiyo gawraca Falastiiniyiinta iyo gardarada garabka og ee Yuhuuda iyo waliba gurmad la’aanta guud ahaanba Adduunka, gaar ahaana Islaamku ma’garbaa?
Dhibaatada, gumeysiga iyo bahdilka Yuhuudu ku hayso Falastiiniyiinta waxay la’mid tahay midii iyaga lagu hayay waqtigii Fircoon intaan Nebi Muuse loo soo dirin. Fircoon waqtigaa yuhuuda reer binu Israel waxuu gawricijiray wiilashooda waxuuna deyn jiray gabdhahooda Siduu Alleba Qur’aanka inoogu sheegay.
”Waxay yidhaahdeen madaxdii qoomkii Fircoon miyeynu iska deynaa Muuse iyo Qoomkiisa si’ay markaa dhulka u fasahaadiyaan, Oo ay ku diidaan adiga iyo Illaahyadaadaba.
128. Waxuu ku yidhi muuse qoomkiisii Illaahay kaalmeysta, Dhulka waxaa iska leh Allah, waxuuna dhaxalsiiyaa ciduu doono oo adoomadiisa ka mid ah. Cidhibta wanaagsana waxaa iska leh kuwa dhawrsada (cabsada).
129. Waxay dhaheen waa nala dhibay intaadan noo iman ka hor iyo markaad noo timid kadiba. Waxuu yidhi Rabbigiin waxuu mudanyahay inuu cadowgiina halaago, Oo dhulka Khaliif idiinka dhigo oo markaa fiiriyo waxaad fashaan” Suurada Al-acraaf: 127–129.
Hadii Illaahay diiday inuu daawado dulmigii lagu hayay kuwo aan Rumeynin oo adoomadiisa ka mid ah, miyaad u malaynaysaa inuu joogtayn doono daawashada dulmi lagu hayo kuwo isaga rumeeyey?
Waxaanu leenahay yuhaada miyaad ilowdeen dhibaatadii Fircoon iyo Hitlar idin marsiiyeen? Waxaa la’ballanqaadey tan iyo maalinta qiyaame in-la’idinku itaxaamo mid idin dhadhansiiya dhibaato iyo in dhulka la’idinku kala firdhiyo.
walaalaheena reer falastiina waxaanu iyagana leenahay adduunku waa maalmo wareega dadka dhexdiisa, dhibtana kuma waaraysaan cidhibta wanaagsana waxaa leh kuwa Illaahay rumeeyey kana cabsada ee sabra.
Rabbigiina waxuu mudanyahay inuu Idiin gargaaro, cadowgiinana jabiyo, dhulkana gacanta idiin geliyo kadibna eego waxaad sameysaan.
Illaaheybaa mahad Leh.
Abdihakim Herer
Halgan.net