Golaha Isutaga Masaajidda ee W/Maraykanka oo Tahniyada Ciida u diray Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida
July 29, 2014 - Written by EditorGolaha isutaga Masaajida wuxuu u dirayaa umada islaamka ah,gaar ahaan umada soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Tahniyad ku aadan Ciidul Fitriga Sanadkan wuxuuna leeyahay( CiidukumulMubaarak), Sanadwalbana wax uu urajaynaynaa qayriyo barwaaqo dhamaan umada islaamka ah.
Intaa kadib Goluhu wuxuu u dardaarmayaa Umada islaamka ah gaar ahaan Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaanba
1. In la xoojiyo ku xirnaanta illaahay,lana wanaajiyo xiriirka Rabi,sidii la ahaa bisha ramadaan in la sii wado oo aanan cibaadadkii halkaa looga harin.
2. In Illaahay loo toobadkeeno,cafisnarabi la waydiisto,siguudna la isucafiyo.
3. In laga waantoobo cuduradana baabi’iyay aduuniyo aakhirana seejiyay oo ay ka mid yihiin Qabyaalada,Xaasnimada,Dhaca iyo Boobka IWM.
4. Goluhu Sigaar ah wuxuu ugu dardaarmayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha inay ku dadaalaan isku duubnaanta, kana fogaadaan waxyaabaha dhaawaca ay midnimadooda,iyo danta guud ee jaaliyada.
5.Goluhu wuxuusidoo kale sigaar ah ugu dardaarmayaa jaaliyadasoomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay ku xirnaadaan Masaajida iyo Maraakista Islaamiga ah ee ku yaalo Qurbaha,si ay uga bad baadaan dhaqamada xun xun ee loogu yimid wadamadaan qurbaha ah.
6.Goluhu wuxuu u dardaarmayaa dhalinyarada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dhalinyarada ku nool qurbaha, inay ka fogaadaan fikradaha qaloocan ee loo ekaysiiinaayo diinta islaamka, laguna halaagaayo diinta iyo naftaba, fikradahaas oo aan sal ku lahayn diinta islaamka.
GUDOOMIYAHA GUDIGA FULINTA EE GOLAHA ISUTAGA
MASAAJIDA EE W/MARAYKA.
SH. ABUL-FADLI MINNEAPOLIS