Golaha xukuumadda Puntland oo shir uu uga socdo xarunta madaxtooyada ee Garoowe
July 31, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa la filayaa in kulan deg deg ah uu ka dhaco xarunta madaxtooyadda ee Puntland kulankaas oo ay iskugu imaan doonaa xukuumadda Puntland uuna shir gudoomin doono Madaxweynaha dowladda Puntand Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas. Kulanka ka dhacay caawa xarunta Madaxtooyadda ee dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa lagu falaqayn doonaa maamul shalay la shaaciyey in loo samaynayo Gobollada dhex ee dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ilo wareed noo sheegeen in wax la iska wiidiin doono xadka uu yeelanayo maamulka cusub ee loo samaynayo gobollada dhexe lagan samaynayo Gobolka Mudug iyo Galgaduud walow degaanada Jariiban ,iyo Galdogob oo ka tirsan Gobolka ay ka taliyaan maamulka Puntland halka degaanada Xarardheer iyo Hobyo ay ka taliyaan maamulo kale.
Ilaa hadda ma cadda warka ka soo bixi doona Madaxda Puntland balse dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee is diidan waxay sheegayaan in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay culus badan uu ka haysto maamulka Koonfur Galbeed oo ay dhawaan dhiseen sidaas darteedna ay doonayso in culuska siyaasiyiinta ka soo horjeeday maamulkaas ay ku mashquuliso maamulkaan cusub ee laga dhisayo Gobollada dhexe
Maamulka cusub ee loo dhisayo gobollada dhexe ayaa durba waxaa ka soo horyimid kooxda Suufiyadda ah iyo maamulka Ximin iyo xeeb, wararka kale ee soo baxay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha DFS Xassan Sh. Maxamuud aysan isku aragti ka ahayn magac la siinayo maamulka gobollada dhexe.
M_M_Deeq
Halgan.net