Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Ilka Xanaf AMISOM weydiiday in ay Ilaaliso Garsoorka.[Dhagayso]
July 14, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFS Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay ciidanka AMISOM ay diideen in ay ilaaliyaan Madaxda Hay’addaha garsoorka iyo weliba xarumahooda maadaam ay beegsanayaan ururka Al-shabaab. Gudoomiye Caydiid Ilka Xanaf ayaa waxaa uu ku eedeeyey in ciidanka AMISOM aysan wax masuuliyadda ah iska saarin sugida amaanka Hay’addaha Garsoorka oo ka mid ah Dowladda Federaalka taasna ay sababtay in hay’addaha Garsoorka iyo madaxdoodu ay halis ku sugan yihiin.
Hoos ka Dhagayso Wareysiga Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf
Source: VOA