Hay,ada SUNNAoo afur iyo casho sharaf u sameysay samaysa qaar ka mid ah qurba joogta deegaanka DDSI

July 12, 2014 - Written by Editor

IMG_0465Jigjiga:-Hay,ada SUNNA ee arimaha tacliinta iyo dacwada ee deegaanka Soomalida itoobiya ayaa xalay afur iyo casho u samaysay qaar ka mid ah qurba joog ka kala yimid aduunka dacaladiisaa .

Cashadaas ka dib ayey masuuliyiinta hay,adu iyo qurba joogtu wada yeesheen kulan qaatay mudo kooban Kulankan oo ahaa kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen tiro badan oo ka mid ah qurbajoogta iyo masuuliyiinta hay,ada SUNNA ayaa waxay hay,adu ku soo bandhigta filim documentary ah oo ay ka soo diyaarisay wax’qabadkeedi sanadihii la soo dhaafay danbeeyay.

Filimkan ay hay,adu soo bandhigtay ayaa ahaa mid taabanayay dadaalka balaadhan ee ay hay,adu ku bixisa dhanka tacliinta iyo dacwada ee DDSI iyadoo sida filimka lagu sheegay aas,aastay macaahid iyo masaajido fara badan kana kala dhistay inta badan 9ka gobol ee deegaanka.

Dhanka kale ayay qurba joogtu u mahad celiyeen hay,ada SUNNA dadaalkeeda dhanka fidinta shareecada islaamka waxayna balan qaadeen in wixii hada ka danbeeya ay hiil iyo hooba lagarab taaganyihiin hay,ada SUNNA.

Dhankiisa gudoomiyaha hay,ada SUUNNA mudane Maxamed Xasan Burcaawi ayaa carabka ku dhuftay in hay,adu tan iyo markii la aas,asayba ay jilibka u laabatay sidii ay wax uga badali lahayd dacwada deegaanka iyadoo uwada howlo ay ka mid yihiin kobcinta goobaha barashada qur’aanka iyo cilimiga diiniga ah iyo waxyaabo la mid ah.

no images were found

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa ka hadlay Sheikh ibraahim sh. Muxumed oo ka mid ah goloha boodhka ee hay,ada SUNNA wuxuuna kula dardaarmay hay,ada SUNNA in ay sii wado dadaalkeeda qurbajoogtuna ay gacan dhaqaale lagarab istaagaan hay,ada

Hay,ada SUNNA
Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online