Hay’adda HARO oo barnaamij anfurin ah u sameysay in ka badan 300 qof (Masawiro)
July 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Mashruucaan afurinta dadka masaakiinta ayaa ah waxaa ay ka bilowday magaala Garowe bisha soon, iyadoo goobta afurinta lagu qabtay dugsiga alxikma. Sh. Yaasiin C/llaahi oo ah wakiilka hay’ada HARO ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay aad u mahadsan yihiin dadkii isku howlay in ay dadka walaalahood ah ay u soo dhiibaan wax ay ku afuraan ayna muhiim tahay in dadkaas loo duceeyo.
Waxa uu Sheekha yaa intaasi ku daray in daddkaas soo dhiibay lacagaha in ilaah uu ka ajar siiyo uguna bedelo wax ay ku farxaan.Sheekh Yaasiin ayaa waxaa kaloo uu sheegay in afurinta ay ka wadaan xabsiga wayn ee magaalada Garoowe, xarumaha barkacayaasha iyo makhaayado dad gaar ah lagu afuriyo kuwaas oo aan soo gaari Karin goobta afurinta.
no images were found
Hay’adda Haro
Garoowe,Somalia