Khudbadii Ciidda ee Nairobi iyo barxadda iskuulka Pangani oo uu Sh. Shibli akhriyey [Video]
July 28, 2014 - Written by EditorNairobi:-Salaaddii ciidda ee maanta, ayaa barxadda iskuulka Pangani ee xaafadda Islii, waxaa tujiyey khudbadana ka akhriyey Sh. Maxamuud Shibli. Sheekha, ayaa ka hadlay sida muslimiinta looga baahan yahay inay u ciidaan, isla markaasna ay uga fogaan lahaayeen waxyaabaha aan la oggoleyn ee dadka qaar sameeyaan, isagoona u duceeyey. Sheekha, ayaa sidoo kale ka hadlay midnimada diintu ku baaqeyso iyo sida dadka Soomaalida ahi isugu dhow yihiin, isagoona carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la ilaaliyo walaaltinimada umadda ka dhaxeysa. Sh. Shibli, ayaa umadda muslimka ah guud ahaan, iyo tan Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu Illaah ku gaarsiiyo wanaag iyo horumar.
Hoose ka daawo Khudbadii Ciid iyo Sh Maxamuud Shibli
Hoos Ka Daawo dadweynaha oo akhrinaya takbiirtii ciiddul fitriga
Halgan.net