Maamulka Machadka Saylac oo kulan la yeeshay ardaydii kala duwanaa ee ka qalinjabisay Machadka.[Masawiro]

July 20, 2014 - Written by Editor

DSCF4306 - CopyBoorama:- Maamulka iyo Macalimiinta ayaa kulan soo agaasimeen la kulmeen ardaydii hore wax uga dhigatay Machadka kulankaas oo loogu tala galay ardayda kala raagtay in ay dib u kulmaan waanooyin iyo talooyina is dhaafsadaan ayaa ugu horay waxa ka hadlay Sh.Maxamed Cabdi Xassan Sh Shine oo ka mid ah culimada aad ugu caansan magaalada Boorama iyo gayiga soomaaliyeedaba isagoo kulankaa ka soo qayb galay ayuu ardayda waano iyo talooyin farabadan siiyay uguna dardaarmay in ay waxbarashada heer sere ka gaaraan oo ay wadaan ilaa shahaadooyinka dr ay soo qaataan.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay maamulka machadka saylac Sh Xassan Khayre Dirir iyo ku xigeenkiisa Sh Maxamed Yuusuf Cabdi iyaga oo sharaxay kulankan waxa looga gol leeyahay iyo in isku xidhnaanta ardayda loo baahan yahay. Waxa ka mid ahaa macalimiinta halkaa ka hadashay ee ardayda waano qiimo leh u soo jeediyay ayaa halkaa ardayda dardaarano kala duwan oo dacwada ku saabsan u soo jeediyeen.

1. Sh Aadan Axmed Muuse

2. Sh Muxumed Warasame Dhurde

3. Sh Yuusuf Xuseen Maxamed

Gaba gabadiina qaar ka mid ah ardayda ka baxday  ayaa dhiiri geli ku saabsan waanooyinka musheekhda in la qaato u soo jeediyay kulankaa ayaa dhacay 20/rabadaan/1435 waxaana ku weheliyay afur jamaaci ah oo culmada iyo ardaydoodu wada qaateen.

no images were found

Ururka Dhalinyarad Badbaado
Boorame.Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online