Madaxda Puntland oo baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya[Dhagayso]
July 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa waxaa uu tacsi ka diray geerida ku timid Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maalintii shalay koox hubaysan ay ku dileen magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in uu tacsi gaar ah u diray ehelada Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo mid guud oo uu u diray shacabka reer Puntland.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa codsi uu u jeediyey madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kooxdii dilka u geystay Xildhibaanada Saado Cali Warsame iyo kuwii soo abaabulayba dilkeeda.
Madaxwaynaha Dr.Gaas ayaa sheegay Saado inay ahayd qof inta badan u dooda dad la dulmiyo iyadoo markaas fikrigeeda ku soo bandhigta qaab Suugaaneed, Dhinac kale waxaa dilka Xildhiabaanad Saado Cali Warsame tacsi ka diray Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdilaahi Camey isagoo ka codsaya in dadka Soomaaliyeed ay iska cafiyaan.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynaha DGPL Dr.Gaas
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/n216arqmse/Gaassaado.mp3]Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweyne ku xigeenka DGPL Eng Camey
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/32ahvb2ntu/Cameysaado.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net