Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqday Xarumaha Wasaaradaha Maaliyadda iyo Xanaanada Xoolaha[Masawiro]

July 7, 2014 - Written by Editor

IMG_1296Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Maaliyadda Iyo Xanaanada Xoolaha ee ku yaala Magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland. Kormeerkii ugu horeeyay ayuu Madaxweyne Gaas ku tagay Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Mudane Cabdiwali Seed Cilmi,Agaasimayaal iyo Howl wadeenada Wasaaradaasi.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali MaxamedCali Gaas ayaa mudadii uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradaasi,waxa uu kormeer ku sameeyay Xafiisyadda ay ku shaqeeyaan Howl Wadeenada Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland,isagoona kullan xog wareysi ah la yeeshay Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Kormeerkii Labaad ayuu Madaxwayne Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland,waxana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax iyo shaqaalaha Wasaaradaasi.

Kullan Gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Puntland iyo Howl wadeenada Wasaaradaasi ayuu kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan Howlaha muhiimka ee ay u hayaan Shacabka Puntland.

Kormeerkaan uu Maanta Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku tagay Xarumaha Wasaaradahaasi ayaa qayb ka noqonayo kormeero shaqo oo uu Madaxweyne gaas maal mihii ugu dambeysay ku samaynayay Wasaaradaha Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online