Madaxwaynaha DGPL oo Tacsi ka diray Geerida wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sh. Jaamac.[Dhagayso]

July 9, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tacsi ka direy geerida Marxuum Abwaan Axmed Shiikh Jaamc oo ahaa Wasiirki Hore ee Warfaafinta Puntland kuna geeryooday Maanta Magaalada Garoowe. Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Eheladii,asxaabti iyo shicib waynaha Puntland uga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka isagoona alle uga baryay in janadii fardowsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasicyo Samir iyo iimaan Buuxana kasiiyo dadkii uu ka tagay.

‘’Waxaan halkaan Tacsi uga diraya Umadda Reer Puntland meelkasta oo ay joogaan guud ahaan umadda Soomaaliyed waxana uga tacsiyaynaya Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirki Hore ee Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Shiikh Jaaamac’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Gaas. ‘’Abwaan Axmed Shiikh Jaamac hada waxa uu ahaa Agaasimihii ama maareeyihii akadamiyada,dhaqanka iyo Suugaanta Puntland,Axmed Shiikh Jaamac waxa uu ahaa oday ku weyn Puntland,waxana uu ahaa oday taariikh fiican kulahaa soomaliya iyo Puntland’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Marxuumku waxa uu sidookale ahaa Abwaan,Siyaasi,waxgarad,aqoonyahan wax badan ayuu soomaaliya u soo qabtay waxbadan ayuu Puntland taray hadana waxa uu waday Barnaamijyo iyo Mashaariic ku aadana Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland Ilaahay ha u naxariisto ’’ ‘’Soomaali oo idil ayuu ka dhintay nin qaran ayuu ahaa nin qoys ma ahayn Ilaahayna waxaan uga baryayaa in meel fiican uu geeyo janadii Fardowsana ka waraabiyo ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.

INAA LILAAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Hoos ka Dhagayso Tacsida uu diray Madaxwaynaha DGPL Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/w21y1u5j56/GaasTacsi.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3
DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online