Madaxwaynaha DGPL oo Aqalka Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya.[Masawiro]

July 8, 2014 - Written by Editor

5Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyay Safiirka Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Marcelli. Madaxwayne Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la Hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Dowladaha Puntland iyo Talyaaniga uu ka dhaxeeyo Xiriir Wanaagsan.

‘’Dowladda Talyaaniga waad la socotaan Puntland waxa ay kawadaa Mashaaricda ugu badana uguna wanagsan,oo uu ugu horeeyo lacagta ku baxaysa Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,Tv-ga Dowladda Puntland oo hada shaqaynaya iyo Taageerada dhanka Booliska Puntland’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Taageerada dhanka Caafimaadka ah sida Cisbitaaladda Garoowe iyo Eyl iyo Mashaariic kale oo badan ayaa dowladda Talyaanigu ugu deeqay Dowladda Puntland,sidookale waxaan ka rajaynaynaa Mashaariic kale oo farabadan in Puntland ay ka fuliyaan’’Ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Gaas.

Ambassador Marcelli oo isna dhankiisa lahadlay Warbaahinta ayaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland uga mahadceliyay Sida wanagsan ee uu u soo dhaweeyay,waxana uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay sii wadayso Taageerada ay siiso Puntland. Ambassador Marcelli ayaa Puntland u yimid sidii Dowladda Talyaaniga Puntland ugu wareejin lahayd Tv-ga Qaranka Puntland .

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online