Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabada 1-da Luulyo
July 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey 54 guuradii ka soo wareegtay xurrnimaddii iyo midnimaddii umadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho. Madaxweynaha ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horayso munaasabada 1-da Luuliyo iyo halgankii loo soo galay xornimada iyo in Halgankaas ay dhaliyeen dhalinyaro yar yar oo ku tiirsan shacabkooda.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku bilaabatay sidan:-
Gudoomiya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Raiisul Wasaaraha JFS
Saraakiisha Ciidamada
Xildhibaanada Sharafta leh
Baambeyda
Hobolada kala duwan
Bahda Saxaafada
Qeybaha kala duwan ee Bulshada
Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi……………………
Mudanayaal iyo Marwooyin,
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Dhamaan bulsha weynta soomaaliyeed waxaa sharaf weyn ii ah in aan halkan idinkula dabaaldego caawa xafladan ku aadan maalinta qiimiga gaarka u leh dhamaan umadda Soomaaliyeed meelwalba ay joogaan.
1da luulyo waa maalinta gebi ahaan is beddel weyn ku samesay taarikhda umadda Soomaaliyeed. In aan idinla xuso maalintan qiimaha badan waxay ii tahay sharaf aad u weyn, waxayna igu abuureysaa farxad aan la koobi Karin.
Waa maalintii Calanka Xuriyadda markii ugu horeysay laga taagay dhulkeena ayadoo lagu midoobay 54 sano kahor
MAANTA MAANTA WAA MAALINWEYNEE MAANTA,
MAANTA MAANTA WAA MAHAD ILAAHAY MAANTA
MAANTA MAANTA MADAXEEN BANAANE MAANTA
Goormaan ladnaanayee lixdankii, lugooyadii nadeysayee lix iyo labaatankii juun, kowda luulyoo labaa midoowday.
Waa maalintii sanado badan ee halgan kadib la helay xornimo. Halkan masoo gaari laheyn maanta haddii wiilashii iyo gabdhihii geesiyaasha ahaa aysan dhiigooda, maalkooda, iyo naftoodaba noo hurilaheyn si aan xurnimo u helno.
Sidaa daraadeed waa in aan geed dheer iyo geed gaaban u fuulnaa si aan u adkeynlaheyn midnimadeena iyo wadajirkeena, cadowgii aan wadanka ka xurreynay 54 sano kahor, wuxuu ahaa gumeyste ajnabi ah, maantana cadowga naga hortaagan in aan xuriyadeena ku naaloono waa argagaxiso caalami ah oo isticmaalaya wajiyo iyo wiilal Soomaaliyeed, hadaba waa inaan si wada jir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada si aan dhulka iyo shacabkeenaba uga xureynaa meel walba ay ka joogaan wadanka.
Waxaan wada hubnaa in halganka xuriyada uusan si sahlan ku imaan sidaas daraadeed waxaa inala gudboon in aan kashaqeyno xasilinta dalka iyo nabad waarta . Sida aabayaasheenii iyo hooyooyinkeenii ay si adag ula dagaalameen cadowga waa in aan inaguna ula dagaalannaa cadowga maanta si aan u gaarsiino nabad iyo xasilooni Soomaaliya oo dhan.
Taarikhiyan umadeena waxaa lagu yaqaanaa geesinimo,
Kuwa u dagaalamayo nabada waa geesiyaal
Kuwa u dagaalamayo in ay caruurtooda helaan nolol wanaagsan si ay wax u bartaan waa geesiyaal
Dhaqaatiirteena iyo kalkaliyayaasha kuwaas oo maalin iyo habeen u taagan badbaadinta dadkeena waa geesiyaal
Macalimiinteena waxbaraan ubadkeena si ay u helaan mustaqbal wanaagsan oo ay inagu bedelikaraan birito waa geesiyayaal
Shaqaalaha rayidka, dowlada hoose, bulsha weynta iyo shaqsi kasta Soomaali ah oo u kallaha shaqo nadiif ah, hadii uu joogo Hargeyso, Kismaayo, Baydhabo amaba Muqdisho, Taariikda ayaad geesi u tahay dadka Soomaaliyeedna way ku tashanayaan geesinimadaada.
Waxaa amaan iyo boogaadin gaar ah aniga shaqsiyan iyo sidookale idinkaba idinka mudan ciidamada dowlada Soomaaliyeed oo taarikhda baal dahab ah ka galay sida geesinimada leh ay cadowga uga xureeyeen magaalooyin badan. Run ahaantii waxay u suurtageliyeen dadkeena in ay nabad iyo nolol xuriyad leh dib ugu soo noqoto. Sidookale geesiyaasha ciidamada amniga oo isugu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo 24ka saac taagan wadooyinka si ay inoo wada ilaaliyaan cadowga. Ciidankaas sharafta leh ayaa runtii ah halyeyga maanta. Sida Captain Daahir Gurxan Maxamuud
Waxaan idinku wada boorinayaa in aad si hagar la’aan ah ula shaqeysaan una caawintaan ciidankeena sharafta leh ee aan daraadood nabad ugu jiifano uguna soo toosno.
Waxaan sidookale u mahadcelinayaa dhamaan geesiyaasha Soomaaliyeed waa suurtagal inaan magacyadooda ama wijiyadooda wada aqoon laakiin waxaan hubaa inaad inoo dadaaleysaan habeen iyo maalinba si aan nolol amni leh ugu noolaano.
Anigoo ka faa’iideysanayo fursada munaasabadan xuriyada iyo Bisha Barakeysneyd ee Ramadaan, in Umadda Soomaaliyeed ay is cafiso, qilaafaadka dhexdoodana ay ku xaliso wada hadal iyo isfahan.
Ugu dambeynti waxaan umadda Soomaaliyeed meelwaliba aad joogtaan idin leeyahay nabad ayaa naas lanuuga leh, waxaana nabad lagu waaraa marka aan WADAJIR nahay Aan si wadajir ah u wada ilaalino hadiyadii xuriyada ay inooga tageen aabayaasheena si ay caruurteena nooga dhaxlaan nolol amni ah meelwalba Soomaaliya kamid ah.
Markale iyo Markale HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO