Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Garbahaarey
July 31, 2014 - Written by EditorGarbahaarey:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka waxaa safar ay ku gaareen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garbahaaray Masuuliyiimta Garbahaaray , Saraakiil ciidan , odayaasha dhaqanka iyo bulshad qaybaheeda kale duwan.
Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka , odayaasha dhaqanka iyadoo kulanka looga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo weliba xaalada abaaraha ee ka jira degaano ka tirsan Gobolka Gedo.
A/cawaale
Halgan.net