Madaxweynaha DGPL oo ka qayb galay Xafladda Daahfurka Tartanka Qur’aanka Kariimka ah Puntland ee Bisha Ramadaan[Masawiro]

July 18, 2014 - Written by Editor

IMG_2697Garoowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Magaalada Garoowe Gaar ahaan Masjid Al-Hudda kaga qayb galay Munaasabad lagu daahfurayay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah kaasi oo la qabto Sanad Kasta Tobanka Dambe ee Bisha  Barakaysan Ramadaan . Tartankaan ayaa ah Mid ay Sanad Walba ku tartamaan ardayda Xifdisan Qur’aanka Kariimka ah waxna kabarta Dugsiyada Qur’aanka ee Puntland.

Mu’asasatul Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Puntland-Soomaliya ayaa soo qaban qaabisay munaasibadda Tartanka waxana Fulintiisa kala qayb galay Dowladda Puntland, Ganacsatada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Furitaanka Xafladda ayaa sheegay In uu si aad ah ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka munaasibadda lagu waynaynayo Qur’aanka Kariimka ah ee Qowlka EEBE .

Madaxwayne Gaas ayaa sidoo kale u mahad celiyay Culimada Puntland iyo Hay’adda Al-Minhaaj isagoona ku Adkeeyay in ay sii wadaan Qabashada Munaasibadahan oo kale.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Culimada iyo  Bulshada Puntland ku dhiirigaliyay in la kobciyo lana qurxiyo Dugsiyada Lagu Barto Qur’aanka Kariimka ah,maadaama uu yahay Qowlkii EEBE .

Tartankaan Qur,aanka Kariimka oo Soconaya Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka qayb galaya Soddon iyo Afar arday (34) oo wax kabarta Dugsiyada Qur’aanka ee Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online