Madaxweynihii hore ee DGPL Dr.Faroole dilka Saado Cali waa mid Siyaasadaysan.[Dhagayso]
July 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Muqdisho. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa dilka Saado Cali Warsame waxaa uu ku tilmaamay mid siyaasadeed oo ay soo abaabuleen kuwa doonaya in bur buriyaann jirtaanka bulshada Soomaaliyeed iyo midnimadoodu.
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ” Dilka Saado waxaa ka danbeeya kuwo arxan laawayaal ah iyo dhiigyo cabdyo waan dil siyaasadaysan oo lagula dagaalamayo midnimada Soomaaliya iyo iskusoo noqoshadeeda.”
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Faroole ayaa sheegay in Xildhibaanada Saado Cali Warsame ay ahayd abwaanad fikrigeeda siyaasadeed ku cabirta Suugaan Waxaan Eebe uga baryayaa ayuu yiri in Alle u naxariisto.
Hoos ka dhagayso Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Faroole oo ka hadlay dilka Saado
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/a3vx8qzax2/faroolesaado.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net