Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
July 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo ahaa Aabii dhalay Sh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka tirsan Saraakiisha ururka Al-shabaab. Allaha u naxariistee Maxamed Khalaf Aadan (Shangole) ayaa u geeriyooday xanuun hayey in mudo ah, Marxuun Maxamed Khalaf Aadan (Shangole) ayaa waxaa uu mar noqday captain-kii ugu horeeyay xulka Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu Allaha u naxariistee Marxuun Maxamed Khalaf Aadan (Shangole)uu noqday gudoomiyihii guddiga olympikada Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada dhexe waxaan uu xubin ka noqday guddiga sare ee Olympikada Soomaaliyeed.
A/cawaale
Halgan.net