Mu’asasada Al-Raxmah oo dowro ku qabtay degmada Caabudwaaq (Masawiro)

July 4, 2014 - Written by Editor

doowrada3Caabudwaaq:-Mu’asasada Al-Raxmah ee Waxbarashada iyo horumarinta oo ah mu’asaso ka shaqaysa barnaamijta horumarinta iyo waxbarashada ee gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa wax ay ku qabatay degmada Caabudwaaq dawro cilmiyeed diini ah muddadii u dhaxaysay 18/6/2014 – 27/6/2014.

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu qabtay Masjidka Al-taqwaa ee degmada Caabudwaaq ayaa lagu daah furay dawrada oo loogu magac daray (dawro cilmiyeedkii koowaad ee Imaamu Shaafici ) waxaana ka hadlay qaar kamid ah Culumada magaalada, odayaasha deegaanka, ganacsatada iyo xubno kamid ah qurba joogta deegaanka.

Dhamaan xubnihii ka hadlay xaflada ayaa isku raacay muhiimada ay leedahay dawrada iyo sida baaahi weyn loogu qabo in lasii wado siminaarada noocaan oo kale ah, ayagoo culumada ka codsaday inay joogteeyaan.

Dawrada ayaa waxaa lagu baranayay duruus kala duwan oo isugu jirta Fiqiga iyo Caqiidada, iyo muxaadaraad iyo baraarujin loo samaynayay dadka magaalada, waxaa ka faa’idaystay duruustaas dadka degan degmada Caabudwaaq iyo xer cilmi uga soo safartay magaalooyinka Balanbal iyo dhabad iyo tuulooyinka ku xeeran.

Waxay culumadu aad u qaadaa dhigeen mabaadi’da caqiiqada Islaamka sida qur’aanka iyo sunnadu u sharxeen, iyo sidoo axkaamta fiqhiga ee kusaabsan cibaadooyinka iyo mucaamalaadka, intii ay dawradu socotay ayaa dad weynihii ka faa’idaysanayay waxay culumada waydiinayeen wax walba oo mugdi ka galo, Waxayna kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo lawada mahdiyay.

no images were found

Dawrada ayaa waxaa bixinayay Sh. Xasan C/laahi Xade oo ka yimid magaalada Madiina Al-munawarah iyo Sh. C/risaaq Warsame fiqi oo kayimid Gaalkacyo, iyo culuma kale oo degmada horey ujoogay, culumada dawrada bixiyay ayaa ayaguna aad uga mahad celiyay bulshada degmada caabudwaaq soo dhawaynta wanaagsan ee ay usameeyeen, iyo sida aan kala harka lahayn ee ay dawrada uga faa’idaysteen, waxayna dadweynihii dawrada kasoo qayb galay ugu bishaareeyeen inay dawrooyinka noocaan ahi joogto noqon doonaan haddii Rabbi idmo.

Mu’asasada Al-Raxmah.
Degmada Caabudwaaq

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online