Muqdisho iyo Gaalkacyo oo si weyn looga ciiday (Masawiro)

July 28, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxda DFS oo uu horkacayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kula tukaday masjidka isbahaysiga Islaamka waxaana Masjidka si weyn u soo camiray dadweyne aad u tiro badan

Ciidanka Amaanka ee DFS ayaa si weyn u adkeeyey amaanka masjidka isbahaysiga Islaamka iyaga oo baaritaano adag ku sameynayey qof walba oo galaya Masjidka.

Salaada ciidda, ka ddib ayaa Madaxweynaha DFS  Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu jeediyey khudbad kooban  isagoo shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasabada  ciidul-fidriga.

Madaxweynaha DFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyey  midnimo iyo in la joojiyo colaad sokeeyey ee ka dhexsocota beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

no images were found

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa looga ciiday si weyn waxaana  fagaaraha lagu ciiday ka muuqday Masuuliin ka tirsan Puntland sida Gudoomiyaha gobalka Mudug iyo duqa magaalada Gaalkacyo ,waxaa sidoo kale goobka ciida ku sugnaa saraakiil.Isimo ,Cuqaal iyo nabadoono waxayna dhamaantood ku wada tukadeen Fagaaraha Mire Awaare.

Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Gudoomiyaha Golaha deegaanka C/casiis Jaamac Guuleed ayaa khudbad kooban ka jeediyey goobta waxaana uu sheegay in maamulka degmada ay wadaan howlo balaaran oo ay ugu horeyso sugi amaanka ,nadaafada iyo soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada labaad ee dhanka Ganacsiga ugu horeysa Puntland.

no images were found

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online