Muuqaal shaqsigii fuliyey qarax ka dhacay Hotel Makka Al-Mukarama oo la soo bandhigay.[Daawo]
July 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta ay Maxkamadda Milatariga darajada koowaad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun dil ah ay ku riday Caawiye Axmed Jaamac oo da’diisa lagu sheegay 25 jir ah ka dib markii uu fuliyey qarax 8-dii bishii November 2013 lala eegtay Hotel Makka Al- Mukarama ee magaalada Muqdisho. Eedeysane Caawiye Axmed Jaamac ayaa Video ay soo bandhigen Tv-ga ku hadla afka- Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo muuqday isagoo sita Kombiyuutar Lap Top ah oo walxaha qarxa lagu rakibay ka dibna qarxay walow uusan qarax sidda uu rabay u qarxin. Dhinac kale waxaa isla maalintaas Qarax labaad oo dad badan ay ku dhinteen waxaa uu ka dhacay banaanka hore ee Hotel Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Hoos ka Daawo Muuqaal Video ah oo uu soo bandhigay Tv-ga ku hadla afka- Dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net