Ninkii sahlay weerarkii Villa Soomaaliya qorshihiisuna ahaa in lagu dilo Ra’iisul wasaaraha DFS oo la soo bandhigay.[Video]

July 10, 2014 - Written by Editor

DSC03607Muqdisho:-Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay baahisay waraysi ay la yeesheen nin dhalinyaro ah oo ay qayb ka ahaa weerarkii habeenkii Talaadada  ay ururka al-shabaab ay ku qaadeen Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Eedeysanaha la soo bandhigay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xassan Muxiyadiin waxaan lagu naanays jiray Bastoolad Weyne ,Eedeysanaha aayaa waxaa dhalay mid ka md ah Imaamka Masjid ku yaal xarunta Villa Soomaaliya waxaan uu  Madaxtooyada u imaam jiray isagoo ka shaqayn jiray shirkad Private oo xafiis ku lahayd xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarkii lagu soo qaaday xarunta  Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya la doonayey in lagu khaarajiyo Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Cabdi weli Sheekh Axmed. Eedeysanaha la soo bandhigay ayaa Idaacadda iyo Tv-ga Dowladda Federaalka Soomaaliya SNTV  waxaa uu u sheegay inuu ka tirsanaa ururka Al-Shabab oo ay u iibiyeen baabuurka isla markaana ay siin jireen lacag dhan $200 bishii.

Eedeysane Xassan Muxiyadiin ayaa waxaa kale oo uu qirtay i uu qayb ka ahaa weerar lagu qaaday xarunta Villa Soomaaliya bishii Feberaay iyo weliba weeraradii kale oo ay Al-shabaab u qaadeen xarunta Baarlamaanka , Hoteelladda Maka Al-Mukarama iyo Oriental.

Hoos ka Daawo waraysigisa  wariye C/Casis Afrika uu la yeeshay Xassan Muxiyadiin ee uu baahiyey Tv-ga Dowladda Federaalka Soomaaliya SNTV

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online