Puntland iyo mamulka KMG ah Jubba oo warsaxaafadeed soo wada saaray [Akhriso]

July 6, 2014 - Written by Editor

2Kismaayo:-Waxaa magaaladda Kismaayo ee xarunta Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba soo gaaray maalinimadii Talaadada ee 24kii June 2014 wafdi ka socda Dowladda Puntland ee Soomaaliya oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno. Ujeedka socdaalka wafdiga Puntland wuxuu ahaa wada tashi iyo xoojinta iskaashiga 2da maamul iyo isxog dhaafsi guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Gorfeyn dheer kadib, waxaa labada dhinac kulamadaasi si wada jir ah uga soo saareen warsaxaafadeedkaan:

1:In Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah sida uu qabo Qodobka 1aad ee Dastuurka. Hadaba iyadoo arrintaan la fulinayo, waxaaa waajib ku ah Dowladda Federaalka ah inay dardargaliso hirgalinta nidaamkaas ay Soomaaliya isku raacday, waafaqsanna Dastuurka gundhigga u ah Soomaaliyada cusub ee lagu wada heshiiyay Qodobkiisa 51aad.

2:Puntland iyo Maamulka Jubba waxay aaminsanyihiin muhiimadda iyo sida lagama maarmaan u tahay dhamaystirka iyo iyo dhaqangalinta Dastuurkii lagu heshiiyay. Hadaba si taa loo gaaro, waxaa xilka wada saaranyahay Dowladda Federaaliga ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir iyo iskaashi leh uga wada xaajoodaan dhamaystirka Dastuurka iyo hirgalintiisa.

3:Sidoo kale waxaan aaminsanahay in habraac walba oo lagu dhamaystirayo / fulinayo Dastuurka lagala tashado dowladaha xubnaha ah sida uu qabo Dastuurku. Wixii waxkabadal ah ee lagu sameeyay Dastuurkii lagu heshiiyay oo aan waafaqsanayn isla Dastuurka cutubka 15aad iyo Jadwalka A&B ee ka hadlaya habraaca waxkabadalka Dastuurka waxaan u aragnaa sharci darro.

4:Maamulka Jubba iyo Puntland waxay soo dhowaynayaan dhismaha maamul u samaynta 3da Gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waxayna la garab taaganyihiin wax walba oo taageero ah. Waxaan kaloo aaminsannahay sida uu qabo Dastuurku in deegaanada aan lahayn maamul-dowladeed guud ahaan lagu taageero dhismaha maamul-dowladeed, dowladda Federal kuna dardar galiso wixii fududayn iyo farsamo ah.

5:Labada dhinac waxay aaminsanyihiin inay xaq uleeyihiin inay ka helaan qaybtooda Deeqaha Caalamiga ee magaca Soomaaliya lagu helo waana inay Dowladda Federaalku u qaybisaa deeqahaas si caddaalad ah.

6:Labada maamul waxay aaminsanyihiin in doorashada 2016 ay ku dhacdo xilligii iyo qaabkii loogu talo galay sida uu qabo Dastuurku. Haddii qaabka qabashadeeda isbadal loo baahdo in lagu sameeyo, waa in si wadajir ah uga wada tashadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah.

7:Labada maamul, waxay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad waayo aragnimo ah iyo waliba in ay labada dhinac wadaagaan xogaha amniga iyo argagixisada caalamiga ah si la iskaga kaashado ladagaalankooda, soo afjaristooda iyo maamul wanaaga ay higsanayso Umamadayada Soomaaliyeed, si loo gaaro Dimoqraadiyad dhab ah iyo nabad waarta oo Soomaali ku wada noolaato kulana noolaato Dowladaha dariska la ah.

no images were found

-Dhamaad-

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online