Puntland oo laga xustay sanad guuradii 54-aad ee xoriyadii gobollada koonfurta iyo israacii 2-da gobol.[Masawiro]

July 1, 2014 - Written by Editor

IMG_0366Garoowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Habeenimadii Xalay Magaalada Garoowe gaar ahaan Aqalka Golaha Wakiilada Puntland kaga qayb Galay Xaflad Balaaran oo lagu xusayay Maalintii xornimadda ka qaateen Gumaystihii Talyaaniga Gobalada Koonfurta Dalka isla markasna ay midoobeen gobalada Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasibadda oo ahayd Mid siweyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowlada Puntland Eng.Cabdixakiin Camay, Isimo, Culimo’udiin, Gudoonka Baarlamanka Puntland,Masuuliyiin ka socday Saddexda Gole ee Dowlada,Faaniinta Kooxda Waaberi Puntland iyo Dadweyne aad utirabadnaa kuwaasi oo ku labisnaa Calanka Soomaliya iyo Kan Puntland.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Gabagabadii Xafladaasi Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaya ayaa waxaa uu u Hambalyeeyay Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan isagoona ugu hambalyeeyay Maalintaasi Weyn.

‘’Waa Maalin Taarikhi ah,Waana Maalin Markii aan Xasuusanaba Mooralkeena iyo Maankeenaba Xoq xoqaysa,oranaysana 54-Sano kahor baan xornimo qaadanay Maanta Halkee joognaa Su’aashaasina Mar walba waa ina horjoogta,sidaan uga jawaabno bayna ku xirnaanaysaa’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Maanta waxaan u dabaal dagaynaa Maalin Soomaali oo idil ka dhaxaysa,maalin soomaali oo idil meel walba ay joogaan u dabaal dagayaan Xasuusanayana 1-da Luulyo 1960,laakin meesha aynu uga dabaal dagayno waa Puntland oo aynu joogno’’Ayuu Hadalkiisa raaciyay Madaxwayne Gaas. ‘’Puntland Soomaaliya ayay kamid tahay,midnimada iyo Jiritaanka Soomaaliyeed ayay u taagan tahay,qaranimada Soomaaliya ayay utaagan tahay,ayada ayay meelkasta oo ay joogto ay ku go,antahay’’Ayuu yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Dadka Puntland Calanka Soomaaliya iyo Waliba Taarikhdii Soomaaliyeed ee ahayd u dagaalankii Xoriyada Soomaaliya ay kaga jireen Safka Hore,waxana ay ahaayen sida uu Madaxwaynuhu sheegay Hogaamiyayaashi Dagaalkii lagu xoraynayay Dalka Soomaaliya.

‘’Sayid Maxamed Cabdule Xasan Puntland ayuu ku dhashay iyo Intii ka dambaysay ee SYL ahayd intuba waxa ay ahaayen Reer Puntland,waxana ay u dagaalamayeen Calan Soomaaliyeed iyo Xoriyad Soomaaliyeed,markii dowladii dhexe ee Soomaaliyeed Duntay 1991 Puntland 7-sano ayay sugaysay in Soomaliya isu timaado in Soomaaliya dib u soo noolaato’’

Ugu dambayn Madaxwaynaha Dowlada Puntland waxa uu sheegay in Xukuumada Puntland oo jirta Muddo dhan 5-billod ay gaartay Horumar lataaban karo,isagoona shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyan midnimada iyo Wada jirkooda,si guul looga gaaro Cadowga.

no images were found

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online