Qarax ka dhacay Albaabka hore xarunta Baarlamaanka DFS iyo Al-shabaab oo sheegtay
July 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta barqadii uu qarax xooggan ka dhacay afaafka hore ee guriga baarlamaanka Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxi yey, kaasoo lala damacsanaa in la geliyo baarlamaanka, balse ciidanka ilaallada ayaa wadihii gaariga ku amray inuu istaago, iyadoona isla markiiba uu qaraxu dhacay. Qaraxa oo laga maqlay meelo badan oo magaalada Muqdisho, ka mid ah, ayaa waxa uu geystay khasaare dhimasho ah, taasoo lagu sheegay afar qof oo labo ka mid tahay ciidanka ilaalada xarunta baarlamaanka, halka labada qof ee kale ay ahaayeen dad rayid ah, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka iyo shacabka.
Waxaan la shaacinin dadkii gaariga qarxay waday, sida caadada ahna dadka noocaas ah marka horeba kuma soo talagalaan iney naf la laabtaan, waxaana weerarkaan sheegatay xarakada Al-Shabaab. Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegatay qaraxa ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Somalireal.com/Halgan.net