Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Hiiraan

July 16, 2014 - Written by Editor

rw3Muqdisho:-Isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed wuxuu maanta tiiraanyo ka muujiyay dagaalka labada beelood ku dhex maray deegaanka Deefow, oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku ka dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka oo ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta kulan degdeg ah la yeeshay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka si ay uga wada hadlaan khilaafkan soo cusboonaaday. Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyaasha Golaha Wasiirrada ayaa dhaleeceeyay dagaalka dhex maray labada beelood goor lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay ka fakaraan khasaaraha uu dagaalku u gaysanayo bulshooyinkooda.

Waxaa kulanka lagu soo gabagabeeyay in wafdi heer wasiirro ah loo diro deegaanka si ay u fuliyaan xabbad joojin, labada dhinac ee is haya uga dhex bilaabaan wada heshiisiin iyagoo eegaya arrimaha uu khilaafku salka ku hayo qiimeeynna ugu soo sameeyaan xaaladda banii’aadamnino ee ka jirta deegaanka.

Isagoo ka hadlaya khilaafka, ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli yiri: “Waxaa runtii dhammaanteen aad noo damaqday inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Hiiraan. Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka waxaanan isku raacnay inaan wafdi heer wasiirro ah u dirno deegaanka si ay u fududeeyaan wada-hadalka iyo nabadeeynta.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna ku sugan Hiiraan inay dhab uga fekeraan dhibaatada ay leedahay in la door bido in dagaal lagu xalliyo khilaafka. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn.

“Bishan barakeeysan ee Ramadaanka waa waqti loogu tala galay cibaado iyo tawbad, waxaana aan ka murugooday inaan maqlo dhimashada iyo burburka ka dhashay khilaafkan. Aan xasuusanno in dhammaanteen ay dantu noogu jirto inaan wada hadalno oo aan iska afgarano khilaafadkeenna. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wax dadaal ah kama hagranayso inay xal nabadeed u raadiso khilaafkan waxayna ugu baaqeeysaa labada dhinac inay si buuxda uga qeyb qaataan dadaallada nabadeeynta.” Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqaya hay’adaha gargaarka aadanaha inay wixii kaalmo ah oo loo baahdo u fidiyaan dadka uu khilaafku saameeyay.

—DHAMMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online