Ra’iisul Wasaaraha DFS oo saaka ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyey Saado Cali.[Masawiro]

July 24, 2014 - Written by Editor

unnamed-23Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho, waxaana salaada Janaasada kula tukaday Madaxtooyada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar kamid ah xubnaha labada gole
ee dowladda, Maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan oo kamid ahaayeen Fannaaniinta Qaranka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuumad Saado iyo kuwii ka horeeyay inuusan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, waxana ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii ay ka baxday marxuumad Saado iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ahayd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, waxay dhimatay iyadoo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqaynaysa, Saado waxay la mid tahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doonto, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in marxuumad Saado fikirkeedii uun nool yahay, laguna xasuusan doono ololaheeda ahaa in Soomaaliyo cagaheeda isku taagto, waana in looga daydaa sidii ay ugu dhiirnayd in shacabka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan cadowgooda” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheekaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha qaran iyo haldoorka bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaad

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online