Sidee looga ciiday magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland.[Masawiro]
July 29, 2014 - Written by EditorHelsinki :-Kummanaan qof oo ka tirsan dadweynaha muslimiinta ah ee ku dhaqan Caasimada Finland ee Helsinki ayaa isugu soo baxay garoon nooca katiifaddu ku goglan tahay ee kubadda cagta si ay halkaasi ugu tukadaan salaadda ciidda. Waxaana howshaas isku soo dubariday Masjidka Alhuda ee Helsinki oo ah Masjidka ugu weyn Finland.Sannadkan waxaa tujiyay salaadda ciidda Sh.Maxamed Alruweyli oo ah daaci ka socday wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka Boqortooyada Sucuudiga. Khudbadii ciidda kadibna waxaa ay dadweynuhu isugu hanbalyaynayeen ciidda .
Sidoo kale degmada Espoo oo ah degmada labaad ee ugu weyn dalka ayaa iyadana waxaa looga ciiday si aad iyo aad u qiimo badan. Ciiddaas oo lagu tukaday garoon dedan oo kubadda cagta loogu tala galay, waxaa soo qaban qaabiyay Masjidka Alnuur oo ah kan ugu weyn jiritaan iyo dacwo ahaanba degmadasi, waana farac hoos yimaada Masjidka Alhuda ee Helsinki. Waxaana saaaddii tujiyay, khudbadaha akhriyay imaamka masjidkaasi Sh.Cabdirazaaq Sugulle Maxamed.
no images were found
Somalin kielen tulkki (Interpreter)
Helsingin seudun asioimistulkkikeskus
Freelancer, Islamic and Somali cultural expert
Helsinki Islam Center
Tel : 358 40 7224177