Taangiyada ciidanka Yahuuda oo duqeyn ku burburiyay Al Aqsa Hospital
July 22, 2014 - Written by EditorGaza:-Waxaa wili ka socda magaalada Gaza ee dalka falastiin duqeyn iyo xasuuq ay geysanayaa ciidanka yahuuda waxaana u danbeysay Duqeyn ay ku burburiyeen taangiyada Yahuuda Al Aqsa Hospital ee ku yaal deegaanka Deir el-Balah.
Xasuuqa ay ka geysteen ciidanka Yahuuuda caawa Al Aqsa Hospital ayaa waxaa ku dhintay 4 qof waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo rayid ah
Al Aqsa Hospital ayaa ahaa Isbitaal dhowr dabaq ah oo howl muhiima ka hayey deegaank deegaanka Deir el-Balah waxaana khasaaro lixaad leh ay gaartay qabalkii Isbitaalka sida uu warbaahinta u sheegay Dr.Fayez Zidane oo ka mid ah dhaqaatiirta naftooda u huraya in ay daweeyaan shacabka Gaza ee uu xasuuqu ku socdo.
Ciidamada Yahuuda ayaa wada maalintii 15aad xasuuqa shacabka Gaza waxaana ay dileen ilaa 600 qof oo caruur u badan waxaana dhaawaca uu sii marayaa ilaa 3500 .
Wasaarada Caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay caawa in 25 xarumo caafimaad ay duqeeyeen ciidanka Yahuuda ayna dhibaato kala duwan u geysteen.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net